Dhimashada shilalka Puntland oo korortay

baabuur
Image caption Baabuur weyn oo ku socda jid si xawli ah

Shantii maalmood ee la soo dhaafay oo keliya waxaa dhacay afar shil oo ka dhashay ka dib markii baabuur waawayn oo kuwa xamuulka ahi ay ku rogmadeen meel magaalada Garoowe 100km ka xigta xagga bariga iyo meelo kale oo ka tirsan gobollada Bari iyo Karkaar.

Marka dib loo eego toddobaadkii la soo dhaafayna waxaa jiray shilal kale oo iyana ka dhacay meel magaalada Garowe 60km xagga koofureed ka xigta halkaas oo waddada bartankeeda uu ku rogmaday gaari wayn oo kuwa xamuulka ah.

Ilaa iyo haatan laguma guulaysan in gaarigaas laga qaado bartamaha waddada laamiga ah iyadoo weliba halka uu ku dhacay ay tahay dalcad aad u dheer taasoo markii dambe keentay in baabuur waawayn oo kuwa xamuulka ahi ay si kedis ah uga soo degaan dalcadaas ka dibna ay ka dul-dhaceen baabuurkii waddada yiillay.

Saraakiisha nabadgelyada waddooyinku waxay sheegayaan in saddex gaari oo kale ay halkaas shilal ku galeen iyagoo intaas raaciyay in aanu waddankaba lagu haynin wiish awood u leh inuu waddada ka qaado qaado gaariga xamuulka ah ee waddada ku go’an.

Marka la isu geeyo shilalkaas waxaa ku dhintay dad ay tiradoogu gaarayso 13 qof oo u badnaa dad u socday gobollo fogfog oo ku yaalla koofurta Soomaaliya iyo gobolka Soomaalida Itoobiya kuwaas oo maydkoodi lagu aasay meelihii ugu dhowaa iyadoo dhaawacana lagu dawaynayo isbitalka Garowe.

Sababo kala duwan ayaa loo aanaynayaa inay ka dambeeyaan shilalka faraha badan ee gaadiidka ee goboka ka taagan waxase jira kuwo lagu tilmaami karo kuwa ugu badan ee keena shilalkaas. Taliyaha booliska nabadgelyada waddooyinka gobolka Nugaal Ismaciil Xirsi Shirwac qabaal ayaa arrimahas faahfaahin ka bixinaya.

''Qodobbada sababta u ah shilalkan waxa weeye iyadoo darawalku aanu haysan ruqsadda gaari wadista sidaa awgeed waxaa baabuurta wada kuwo indha la', kuwo dhegaha la', kuwo lugaha la. Tan kale waxa weeye gaariga oo la saaro xamuul ka badan intii loogu talagalay iyo rakaab is wata taas waxaa kale oo dheer iyadoo ciidanka tarafikadu aanu haysan dhamaan qalabkii uu ku shaqayn lahaa nooc walba oo uu yahay''.

Arrimaha keenaya shilalka gaadiidka intaas kuma koobna waxana jira kuwo kale oo ay ka mid yihiin waddooyinka laamiga ah oo duugoobay ama burburay iyo iyagoo uu ka jiro ciriiri dhibaato ku haya marka ay baabuurtu is-dhaafayso iyo kuwo kale oo la xiriira hanaankii iyo sharciyadii gaadiidka oo aan ka shaqayn gobolka si walba haku timaadee.

Laakiin muxuu yahay qorshaha iyo ku talagalka hay’adaha dawladda ee ku shaqada leh nabadgelyada waddooyinka ee ku aaddan sidii xal looga gaari lahaa dhibaatadan. Arrintan waxan wax ka waydiyay Eng.C/qadir Cusman Ciise oo ka mid ah saraakiisha sare ee wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka.

''Arrimahaas waa jiraan waana dhibaato taagan, hadda wax badan baanu qabanay kuwo kalana waanu wadnaa waxana loo baahan yahay in baabuurtu ay habeenkii seexdaan marka ay jaraan kalabar waddada ay ku safrayaan si aroortii ay iyagoo caadi ah ay inta u hartay u dhamaystiraan. Qodobka ku saabsan ruqsadda waxanu haatan wadnaa in arrintaas la soo afjaro oo hadda ka dib qof aan ruqsad u haysan gaariga uusan furaha ku rogin taas waxaa la mid ah dhibaatada kale ee ka taagan xamuulka xad-dhaafka ah iyo rakaabka la qaadayo iyana waxanu filaynaa inaan dhaqso wax uga qabano''.

Muddo dheer ayaa ciidanka nabadgelyada waddooyinku ka cabanayay dhinaca qalabka iyo goobihii ay ku shaqayn lahaayeen oo aan jirin. Saraakiisha booliska waddooyinku waxay sheegayaan inuusan jirin qalabkii lagama maarmaanka u ahaa hawlaha ay hayaan.

Gaadiid ku filan, wiishahka lagu toosiyo gaadiidka rogmada, isgaarsiin, xarumo iyaga u gooniya oo ay ku shaqeeyaan intaas oo dhan ayay saraaskiishu tilmaamayaan inay meesha ka maqan yihiin tan iyo burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya taasina ay tahay midda ragaadisay gudashada waajibkii loo xilsaaray.

Waxaa iswaydin u baahan sababta maamulladii soo maray Puntland 11kii sano ee la soo dhaafay ilaa maanta ay dareemi waayeen dhibaatada arrintani ay leedahay. Si kasta oo ay noqotaba wax ka qabadka dhibaatadan wuxuu u muuqdaa arrin u baahan fiiro gaar ah iyo baahi muhim ah oo hortaalla maamul walba oo uu gobolku yeesho maadaama dhibaatadani ay tahay mid galaafanaysa nolosha dad fara badan.