Mareykanka oo ka hadlay doorashada Somaliland

Somaliland
Image caption Guddiga doorashada oo ku dhawaaqaya natiijada doorashada

Dowladda Mareykanka ayaa ammaantay qaabkii ay u dhacday doorashada Somaliland.

War ay kasoo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay in doorashadu ay ahayd tallaabo muhiim u ah dadka Somaliland.

"Waan u hambalyeyneynaa musharaxii guuleeystay, waxaana ku ammaaneynaa musharaxiintii kale ee aqbalay ee muujiyay wadaninimada."

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu ku boorinayo dadka Somaliland inay sii wadaan dadaalkooda nabadna ay ku dhamaato arrintan, oo ay xigi doonto munaasabadda dhaarta musharaxii guuleeystay qiyaastii soddon maalmood gudaheed.