Wetangula oo ka digay Soomaaliya

Moses Wetangula
Image caption Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Moses Wetangula

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Moses Wetangula, ayaa ku tilmaamay in rag ka yimid dagaalka Ciraaq iyo Afghanistan ay u tallaabeen Soomaaliya.

Wasiirka oo maanta u warramayay wakaaladda wararka AP, waxaa uu Nairobi ka sheegay, in dagaalyahaniintaasi tiradoodu ay tahay mid ku filan in ay walaac ku dhaliso beesha caalamka.

Xaaladda waxaa uu ku tilmaamay Wasiirku mid halis ah.

Dadka soo galay Soomaaliya waxay u dhasheen ayuu yiri Afghanistan, Pakistan, dalal Bariga Dhexe ah oo aan yareyn.

Waxay ka faa'iideysanayaan ayuu yiri in Soomaaliya aanay ka jirin dowlad shaqeyneysa.

Warar ka yimid hey'adaha sirta ayaa sheegaya ayuu yiri, Wetangula, in ay ay yihiin ciidn ashaamud ah oo isku dhafan.

Tiradooda dhabta ah ma naqaan ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Moses Wetangula, wuxuu kaloo sheegay in uu ka xun yahay in aan Mareykanku sida ay tahay arrintan uga hawlgelin.

Sida aan ka rabnay, gaabis ayuu ka yahay ayuu yiri.

Toddobaadkan horraantiisii ayay ahayd markii Madaxweynayaasha IGAD ay ku baaqeen in 20 kun oo askari la geeyo Soomaaliya.