Dayaarad ku shaqeysa ileyska qoraxda

Dayaarad qorax ku shaqeysa
Image caption Dayaarad qorax ku shaqeysa

Dayaarad ku shaqeyneysa Solarka qoraxda oo tijaabo ah ayaa ku degatay waddanka Switzerland kadib markii ay hawada ku jirtay muddo 26 saacadood iyadoo aan isticmaalin dhibic shidaal ah.

Dayaaradda oo loogu magacdaray Solar Impulse, ayaa waxa ay baalasha ku leedahay qalab u qabanaya ileyska qoraxda kadibna u keydinaya si ay ugu duusho, xitaa xilliyada aanay qorax jirin ee mugdiga ah.

Dayaaradda ayaan lahayn awood badan, Waxa ay siday hal duuliye oo kaliya, laakiin kooxaha soo saaray ayaa sheegaya inay rajeynayaan inay wax ka beddeli doonto gaadiidka hawada.

Duuliyaha dayaaraddaasi solarka ku shaqeyneya - Andre Borschberg - ayaa qaab qurux badan ugu degay garoon ku yaala Payerne koonfurta galbeed ee caasimadda Bern.