Madaxwayne Shariif oo u waramay BBC

Madaxwayne Sheekh Sheekh Axmed
Image caption Madaxwaynaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha somalia shariif sh ahmed ayaa maanta BBC uga waramay go'aanada shirkii madaxda IGAD ay 7aadkan ku gaareen addis abeba ee ahaa in ciidamo kale loo diro Soomaaliya.

Wariyaha BBCda Moallimo oo madaxweynaha ku wareystay xafiiska madaxtooyada ayaa marka hore wuxuu waydiiyey faahfaahin inuu ka bixiyo ciidamada la sheegay in uu ka dalbaday madaxweyne Shariif dalalka IGAD ?

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxwaynaha, ayaa sheegay in ciidamada lagu kordhinayo kuwa AMISOM ilaa 2 kun oo ka mid ah ay ka iman doonaan dalalka Uganda iyo Burundi, halka hadii loo baahdo 12 kun oo kale oo ciidamo ah laga keeni doono dalalka Africa.

Madaxwaynaha, ayaa sheegay sababta ay ciidamada u dalbadeen ay tahay, in kooxaha dagaalamaya loo bandhigay heshiis nooc walba. ma suuragalayso in ay argagixiso soo uruuriyaan maalin kasta, ayuu yiri ma aha wax la aqbali karo. Tallaabada argagixisnimada ayuu ku tilmaamay mid halis ku ah deriska iyo dowladda ku meelgaarka ahba.

Waxaa uu sheegay in wixii la rabay lagu guulaystay oo qorshuhu yahay in aysan fashilmin waxa yar ee jira. wuxuu eedda saaray dad uu sheegay in maalin walba ay ajaanib soo galinayaa dalka. wuxuu madaxwaynuhu sheegay in ay ogol yihiin in diinta Islaamka lagu xukumo dalka.

Waraysiga madaxwaynaha oo faahfaahinta, waxaad ka dhagaysan kartaa maqalka ku lifaaqan warbxintan.