Iswaydaarinta Basaasiista Maraykanka iyo Ruushka

Toban basaasiin Ruush ah, ayaa laga musaafuriyey dalka USA.

Waxaa la dhaafsanayaa basaasiinta kale oo iyaguna uu Ruushku dalkiisa ka soo musaafuriyay. Waa is-dhaafsigii ugu balaarnaa ee basaasiin, tan iyo dhamaadkii dagaalkii qaboobaa.

5 nin iyo 5 dumar ah, ayaa maxkamada ku taala New York ka hor qirtay dembigaas, waxaana la saaray dayuurad u socota caasaimada Austria ee Vienna.

Masuuliyiinta USA, ayaa shegay in ay dadkaasi u noolaayeen sidii muwaadiniinta caadiga ah ee Maraykanka, iyagoo u basaasayey Ruushka, muddo sandao ah.

Waxa dadkaas USA dhaafsaday 4 nin oo lagu helay in ay basaasin ka ahaayeen dalka Ruushka. Mike Thompson, oo xubin ka ah Gudiga sirdoonka joogtada ah, ee Aqalka wakiilada ama Congress-ka ayaa amaanay shaqada ay qabteen sirdoonka Maraykanku.

Arrimaha la xiriira is-basaasidda dalalka Ruushka iyo Maraykanka, ayaa loo arkaa tallaabo dib loogu soo xusuusan karo xilligii dagaalka qabow ee labada dalba ay sirdoonkoodu ku howlanayeen arrimaha la xiriira ogaanshaha xoggagga kala duwan ee intooda badan la xiriira arrimaha military-ga iyo siyaasadda.

Image caption Muuqaalka basaasiinta la iswaydaarsaday