Tallooyin loo soo jeediyay Madaxwaynaha la doortay ee Somaliland

Muuse Biixi
Image caption Muuse Biixi

Magaalada hargeysa,guddi uu madaxweynaha la doortay u xil saara in ay kla soo taliyaan qaabka iyo tirada golha wasiirada ee la soo dhisi doono ayaa taladodii u gudbiyey Axmed Maxamed Silaanyo.

Guddiga oo ka kooban 13 Xubnood ah waxa laga soo kala xulay qaybaha bulshada sida Siyaasiyiin , iyo aqoonyahaanno.markii ay la kulmeen Madaxweyne Axmed siilaanyo, ayaa maanta waxay ku qabteen Shir Jaraa'id Hargeysa.

Wariyaha BBC Axmed Siciid Cigge ayaa waydiiyey Guddoomiyaha guddigaasi Muuse Biixi Cabdi,waxa ay ahaayeen tallooyinkii ay u gudbiyeen M/weyn Siilaanyo?

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muuse Biixi, ayaa sheegay in tallooyin dhowr ah ay soo jeediyeen oo ay ku jiraan in la dhimo tirada golaha wasiirada ee hadda jira oo gaaraya ilaa 26 wasiir, oo lagu sii daray wasiir ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal oo isku darka ka badan lixdan. Dowladda uu soo dhisayo madaxwaynaha la doortay ayaa lagula taliyay in aysan ka badan 15.

Waxaa kaloo uu sheegay in ay ku talo bixiyeen in sidoo kale la sameeyo guddiyo maamul.