Burundi oo sheegtay in Soomaaliya ay sii joogeyso

amisom
Image caption Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya

Dowladda Burundi ayaa sheegtay inay sii wadi doonto hawsha nabad ilaalinta ee ciidamadeeda ay ka wadaan Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay ciidamada waddanka Burundi, Colonel Gaspard Baratuza, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay u joogaan Soomaaliya inay taageeraan dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Waxa uu sheegay in Burundi ay adkeyn doonto ammaankeeda gudaha, halkii ay Soomaaliya kala soo bixi lahayd ciidamadeeda.

Toddobaad ka hor weerarada bam ee ka dhacay Kampala, ayaa kooxda Islaamiyiinta ah ee al-Shabaab waxa ay u hanjabeen labada dowladood ee Burundi iyo Uganda, haddii aanay kala bixin ciidankooda magaalada Muqdisho, inay weerari doonaan.