Diblomaasi Mareykan ah oo ka hadlay qaraxii Kampala

Mark Zimmer
Image caption Mark Zimmer waxa uu safaaradda Mareykanka ee Nairobni u qaabilsan yahay arrimaha Soomaaliya

Kadib qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, ayaa waxa maanta aanu wareysi la yeelanay diblomaasiga safaaradda Mareykanka ee Nairobi u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mark Zimmer.

Wareysiga ayaa sidan u dhacay:

BBC Somali: Waxaad tahay diblomsi Mareykan ah oo arriamaha Soomaaliya la socday ee ka waran weeraradii ka dhacay Kampala?

Mark Zimmer: Dareenkeygu waxa uu la mid yahay qof kasta oo arrinta arkayay, oo ka xumaaday tallaabooyinka argagixisadu ay geysteen 11 bisha, waxaana muhiim ah inaan tacsi u gudbino dhamaan dadkii wax ku noqday, dabcan mid Mareykan ah ayaa ku jiray, oo ku dhintay iyo dad badan oo Afrikan ah. Waxaan kaloo tacsi u direynaa qoysaskii dadkii wax ku noqda.

BBC Somali: Ma fileysay tan oo kale in ay ka dhacdo meel sida Kampala oo kale ah?

Mark Zimmer: Had iyo jeer halistu waa ay jirtay laakiinse qonfa ma filaneyn dhacdadaas dhacday bisha 11-keedi, laakiin al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ahi, horey ayay u hajabeen gobolka muddo dheerba, dhawaanna waxay si gaar ah ugu hanjabeen Uganda iyo Burundi, sababtoo ah taageerada qadarinta mudan ay u fidiyaan ciidamada AMISOM ee hawalaha xagga nabad ilaalinta ka wada Soomaaliya.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

BBC Somali: Xog arrimaha dibadda Hillary Clinton way ka taxadartay aqbalidda sheegashadii Shabaab e qaraxyadii Kampala, mana oran iyaga maaha, waxayse u deysay baaritaanka in la sugo, haddaba maxay tahay mushkiladda ka jirtaa in sheegashada shababka loo qaato sidii ay u sheegteen?

Mark Zimmer: U malayn maayo in wax dhibaato ahi jirto, waxaan u malaynayaa taxadarku inuu ka yimid, hadalkii ay sameysay Xoghayaha Arrimaha dibedda iyo Madaxweyne Obama oo saacado kadib uun soo baxay markii qarxintu ay dhacday, wakhtigaasi diyaar uma ahayn inaan cidna ku eedeeyno qaraxaasi, ilaa inta aanay soo bixin cid sheegata.

Dhamaanteen waan fahamsaneyn xoogga ay leedahay cidda geysan karta, laakiin waxaanu sugeynay in baaritaanku wakhtigiisa qaato, waxaanu hadalku xooggiisa ku fooraray tacsida loo dirayay dadkii wax ku noqday Uganda.

BBC Somali: Maxay saameyn keeneysa waxse ma ka bedeleysaa siyaasadda US ee Somalia?

Mark Zimmer: Dabcan saameyn ayay ku yeelan doontaa, waa halis kale, waa tallaabo kale waxyeelo geysatay oo ka danbeysay bishii december 3 2009, bambadii lagu qarxiyay hotel Shamo, oo aan u malaynayo inay isku xidid yihiin, dabcan qaraxan waxa uu ka dhacay meel la isugu yimid oo lagu daawanayay koobka adduunka oo ahayd arrin kulmineysay Afrika, muuqeeduna uu dheeraa, cayaartii ugu danbeysayna waxaa dabcan raad xun ku yeeshay dhacdadan. Marka sidaasi awgeed saameyn ayay yeelanaysaa. U malayn maayo inay si toos ah isbeddel u yeeleyso siyaasadeena, waxay ahaan doontaa sideeda, waxyaabaha tiirka u ahna siyaasadeena waxaa ka mid ah in xagjirnimada xididdada looga saaro Soomaaliya. Dhacdadanna waxay muujineysaa muhiimadda ay u leedahay tiirkaasi ka mid ah siyaasadeena.

BBC Somali: ilaa iminka siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya waxba kama tarin in Shabaab la ciribtiro ama la joojiyo sii ballaarintooda ama hawlahooda la joojiyo...marka miyaa la joogin waqtigii dib looga fakari laha wixii laga yeeli lahaa shabab.

Mark Zimmer: Runtii kuguma raacsani sida aad u dhigtay su'aasha, laakiin waxaan aqbali karaa qeybteeda danbe oo ah xagga qiimeyneyno, had iyo jeerna dib ayaan u qiimeyneynaa siyaasadeena si aan u fahanno qaababka kale. Si aan u fahanno al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xag jirka ah, waxaan kuu xaqiijinayaa in dadka naga jooga Nairobi, gobolka iyo Washington, wakhti badan ay ku qaadanayaan sida ugu wanaagsan ee ujeedadaa lagu gaari lahaa.

BBC Somali: Ka waran iyana Soomaaliya oo ay ka jiraan kooxo afkaar adag oo ay dhallinyaro badan ku biirayaan ?

Mark Zimmer: Waxaa jira sababo badan midka muhiimka ahna waxa weeye, saameyn kaga imanaysa dibedda, qarxinta la qarxinayo dadka rayidka ah, haddii ay tahay kii December 3 iyo kii habeenkii Axaddiiba, xeeladaha la adeegsanayo waxay muujinayaan inay yihiin qaar loo tirin karo kooxo dibedda ah. Waana mid isbeddelaysa una muuqata dadka Soomaalida, inay tahay xajirnimo fogaatay, oo waxyeello lagu gaarsiinayo dad rayid ah iyo dad kale oo aan waxba galabsan.

BBC Somali: Sida aad la socoto toddobaadkii hore Wasiirka arrimaha dibadda Kenya hadal uu jeediyey wuxuu ku sheegay in US uusan wax u filan ka qaban gacantii gobolka iyo dawladda kmg ee somalia uga baahnaayeen n ay wax kaga qabtaan kooxaha afkaarta adag...mxaad kaga jwaabeysaa?

Mark Zimmer: Waxba ka oran maayo wixii wasiirka iyo warbaahintu ay is yiraahdeen, laakiin waxaan kuu sheegayaa in wadahadalo si saraaxa ah aanu leenahay oo kuwa ugu muhiimka ahna aan Nairobi ku leenahay, kana wada shaqeyneyno dowladda Kenya, iyo kuwa kaleba, halista kaga imanaysa dariskooda dhinaca waqooyi.

BBC Somali: Miyeysan kuu muuqan in Tirada ciidamada nabad ilalinta ee Muqdisho iminka joogtaa aanay ku filneyn hawsha ay halkaa ka wadaan,oo marka la weeraro ay ku jawabaan duqeyn culus...taasina ay sababto in shabaabku ka faaiideysto iyagoo leh ciidamadan wax dan iyo wanaag ah oo ugu jira Soomaalida ma jiraan,sidaa darteed waa la dagaalamaynaa?

Mark Zimmer: U malayn maayo Soomaalidu inay ka soo horjeedaan AMISOM, ee waxay diidan yihiin dhimashada dadka rayidka ah, ee ku dhimanaya dagaalk, haddii uu yahay mid ka yimid kooxaha xagjirka ah iyo dhinac kaleba. Dabcan taageerada aanu siineyno AMISOM ma ahan mid tagaysa, waana ku ammaaneynaa Madaxweynaha Uganda, Musaveni, sida ay uga go'an tahay arrinta Soomaaliya, inkastoo arrintan ay dhacday. Dabcan waan la soconaa in ay ku yaryihiin dadka hawsha qabanaya muddo dheerba, waxaana isugu dayaynbaa si xoog ah, si aan u saxno dhibaatadaasi, Mareykanka ayaa bixiya taageerada ugu badan, marka laga eego xagga saadka AMISOM. Si aad ah ayaan u shaqeyneynaa si ay uga soo baxaan hawsha loo xilsaaray.

BBC Somali: Soomaali badan waxay is waydiiyaan sababta dunidu si xoog leh ugu taageeri wayday dawladda kmg ee Soomaaliya ama ay u keeni waday xal iyadoo ciiamo badan loo diro Somalia, si ay u nabadeeyaan, maxay kula tahay?

Mark Zimmer: Sidaan horey u iri wakhti badan iyo hanti badan ayaa galinaa si aan dhibaatada wax uga qabano, waxaadna ka warqabtaa in waddan kast ay culeys ku yeelan karto, isla markaana waa walaac xoog ah oo Soomaalida oo qura aan saameyneyn, balse saameyneysa geeska afrika iyo adduunyada oo dhan. Markaa waanu ka hadleynaa, shir ayaana soo socda oo lagu qaban doona Kampala toddobaadka soo socda, arrintaasina waxcay noqon doontaa mid weyn oo laga hadlo. Waxaan kuu xaqiijinayaa in aanan dayacayn hawshaasamaba aanan qaadaneyn jid aan toosneyn oo aan miro dhal ahayn.

BBC Somali: Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa dhageysanaya barnaamijkan oo qaar ka mid ah ay ka tirsan yihiin Shabaab ee maxay tahay farriinta aad u gudbineyso?

Mark Zimmer: Waxaanu qabnaa in xubnaha kooxaha xagjirka ah badankoodu, in waxa wada aanu mabda'a ahayn ee ay tahay baahi xagga dhaqaalaha ah, waxaana ka codsan lahaa inay ka fakiraan saameynta ay yeelanayso waxa ay sameynayaan, waxaana loo baahan yahay maskaxdooda iyo awooddooda inay u jeediyaan wax ka wanaagsan halka ay ka sii shidayaan dhibaatada.

BBC Somali: Waxaa jira dhallinyaro badan oo somali ah oo shababka u yahay dawlad...waxay xukumaan magalooyinka iyo tuulooyinka ay ku nool yihiin...wao kale oo u furan ma jirto..ka waran dhallinyarada caynkaas oo ay dhici karto in ay shabab ugu xisheen dhaqaale,mustaqbalkoodu sida uu noqnayo ?

Mark Zimmer: Waxaan rajeynayaa in mustaqbalkoodu yahay nabad iyo dib u heshiin oo dhamaan la isugu iman karo, oo laga shaqeeyo wixii khilaaf ah. Dhalinyaro badan oo Soomaaliya jooga dowlad wax ku ool ah maanay arag muddo labaatan sano oo khilaafku uu socday. Markaa waa la fahmi karaa in khalkhal uu jiro, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan ku dhiiri geliyo dhalinyarada inay eegaan fursadaha kale ee jiri kara, fahmaanna in wadamo fara badan iyo dad badan ay doonayaan inay fursado kale u abuuraan si xasilooni looga helo waddanka. Oo laga gudbi xilligan kala guurka ah si ay u doortaan hogaamiyeyaashooda, kana gudbaan dhibaatadan mudada dheer soo taagneyd, kalsoonina ay ku qabaan dadka doonaya inay dalka wanaajiyaan.