Shabab oo mamnuucay tacsida

Maamulka Xarakada Alshabab ee gobolka Shabelaha Dhexe ee somalia ayaa amar uu soo saaray wuxuu dadweynaha kaga mamnuucay in tacsi loo dhigo qofkii geeriyooda.

Sida caadada u ah soomaalida marka qof uu ka dhinto qoys,waxaa la qallaa xoolo tacsi ah oo loogu duceeyo marxumka.

Haddaba kooxda shabab amarkan ay ku soo rogtay gobolka shabeelaha hoose wuxuu dadka uga digayaa in cidii lagu arko iyagoo xoola qalanaya oo tacsi dhigaya geerida kadib, in ay talaab cad laga qaadi doono.

Maamulka xarakada Shabab ee shabelaha hoose wuxuu ku macneeyey tacsida mid aan meelna ka soo galin oo aan ku saleysneyn dhaqanka islaamka ee saxa ah.

Hore ayaa kooxda shabab degaanada ay taliyaan meelo ka mid ah waxay ay burburiyeen qubuuro ay ku aasnaayeen culimo dalka laga yiqiin oo ay sheegeen in loo burburiyey si aan dadku u caabudin,hase ahaatee waxaa falkaas shabab cambaareeyey culimo iyo ehelada culimada qubuurahoodii la burburiyey.