11 ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Kismaayo

Ksimaayo
Image caption Magaalada Kismaayo

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ugu yaraan 11 qof ay ku geeriyoodeen gaari maanta ku rogmaday meel u dhaxeysa degmada Kismaayo iyo Xagar Dheer.

Gaariga oo uu noociisu ahaa UD ayaa ka yimid Xagar dheer waxaana uu ku soo socday Kismaayo.

Dadka dhintay ayaa waxa ku jira saddex caruur ah afar haween ah, shilkaasi gaari ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 10 qof kuwaas oo qoorkood dhaawacoodu uu liito.

Goobta uu gaariga ku rogmaday ayaa waxa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maaamulka Kismaayo kuwaas oo dadkii dhaawica ahaa iyo kuwii geeriyooday ka soo qaaday goobta shilku ka dhacay oo u dhaw tuulada Xarar.