Madaxwayne Shariif oo jooga Masar

Madaxwaynaha Soomaaliya iyo dhigiisa Masar
Image caption Madaxwaynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo dhigiisa Masar, Maxamed Xusni Mubaarak

Madaxweyaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa booqasho ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxwaynaha, ayaa la kulmay madaxwaynaha dalka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak, iyadoo ay ka wadahadleen dhibaatada dalka Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Madaxwayne Shariif, ayaa sidoo kale la kulmay ra'iisul wasaaraha dalka Masar, Ahmed Nazief.

Sida uu sheegay weriyaha BBC uga soo warama magaalada Qaahira, Abuukar Maxamed Cabdi,wasiirka arrimaha dibedda, Yuusuf Xassan Ibraahim, ayaa saxaafadda u sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya uu faahfaahin ka bixinayo xaaladda dalku uu marayo, iyadoo dowladda Masarna laga dalbanayo in ay kaalin ka qaataan xal u helidda arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu wasiirku sheegay in madaxwayne Shariif, uu u sharaxay madaxwayne Mubaraak aragtida dowladda ku meelgaarka ah ee ku aadan sida xal waara loogu soo dabaali karo dalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda, ayaa intaas ku daray in labada madaxwayne ay sidoo kale isla soo qaadeen arrimo la xiriira sii xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqanka, dhaqaalaha iyo kordhinta deeqaha waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Soomaaliya.

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Masar ay ahmiyad wayn siinayso sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada Soomaaliya.

Madaxwaynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa kadib marka ay u dhamaato booqashadiisa dalka Masar, waxaa la filayaa in uu gaaro dalka Talyaaniga.