lixdan qof oo ku dhimatay shil tareen

Burburkii  labada tareen ee isku dhacay
Image caption Burburkii labada tareen ee isku dhacay

Ugu yaraan lixdan qof ayaa ku dhintay kadib markii ayu isku dhaceen laba tareen oo aad dad uga buuxeen, gobolka galbeedka bengel ee Hindiya.

In ka basdan 100 qof ayaa ku dhaawacmay.

Tareenka aad u dheereeya ayaa ku dhacay tareen kale, isagoo taagan goobta tareenka laga raaco aroor nimadii saaka magaalada Sainthia.

Shaqaalaha bad baadaya ayaa la tacaalaya inay taakuleeyaan dadka bad baaday, iyagoo wata qalabka wax lagu gooyo.

Qolalka tareenka ayaa aad u bur buray.

Lama oga sababta keentay isku dhaca tareenka.