Ugu yaraan 19 ku dhimatay Muqdisho

Dadka Muqdisho degan oo ka qaxaya dagaalada
Image caption Dadka Muqdisho degan oo ka qaxaya dagaalada

Dagaallo ka soconaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ilaa shalay gelinkii danbe ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 19 qof, in ka badan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa bilwoday galinkii dambe ee axadda markii markii al-Shabaab ay weerar ku qaaday ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyo ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Laba iyo Toban ardey dugsi quraan wax ku baranayay ayaa dhaawacmay markii madfac uu ku soo dhacay halkii ay wax ku baranayeen.