Shir looga hadlayo HIV/AIDS oo ka dhacay Garowe

HIV AIDS

Kulan lagu qabtay magaalada Garowe kuna saabsan ka hortagga HIV/AIDS ka ayaa lagu go'aansaday in xilliyada soo socda dagaalka lagula jiro cudurkaas xoogga lagu saaro toddoba qaybood oo mujtamaca ka tirsan kuwaas oo loo arkay inay yihiin kuwa ugu nugul markay noqoto fididda AIDSka.

Kulankan waxaa ka qaybgalay qaar ka tirsan ururrada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya ka hortagga cudurkan.

Siciid Adan Cilmi (Waayeel) oo ka mid ah masuuliyiinta ururka Kaalo isla markaasna ka qaybgalay kulankaas ayaa waxa uu BBC uga waramay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirka lagu soo qaaday ay ahayd sidii wax looga qaban lahaa fiditaanka cudurka, iyadoo xoogga la saarayo dadka ka soo gudbaya xuduudaha.

Waxaa kale oo uu sheegay in arrin kale oo muhiim ah ay tahay in dadka qaba cudurka HIV/AIDS aan lagu faquuqin bulshada dhexdeeda, taasi uu sheegay in la darsayo qaabka dhamaan dadka loo gaarsiin karo farriinta, iyadoo laga wacyi gelinayo.