In ka badan 40 qof ayaa su'aalo la weydiinayaa

Qaraxyada Kampala
Image caption Sawirada laba qof oo ay soo saartay Interpol

Wargeyska ay leedahay dowladda Uganda ee New Vision, ayaa sheegay in bambooyinkii dhawaan lagu qarxiyay Kampala la soo geliyay waddanka Uganda iyaga oo sanaadiiq ku jira.

Wargeyska ayaa sheegay in baarayaal isugu jira Mareykan iyo Uganda ay suaalo weydiinayaan in ka badan afartan qof oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxyada oo xiran.

Dadkaasi la xiray ayaa waxay isugu jiraan Pakistan, Soomaali, Nigeria iyo Uganda.

Wargeysku waxa uu qoray in dadka Soomaalida ah ee la hayo ay tiradoodu tahay 11 qof, halka 16 ay yihiin Pakistan iyo 8 u dhashay Uganda, iyo hal qof oo Nigerian ah.

Waxaa kale oo jira toddobo qof oo aan wali la ogeyn dalalka ay u dhasheen.

Hey'adda booliiska caalamiga ah ee Interpol ayaa waxa ay soo saartay sawirro laba qof oo loo maleynayo inay ahaayeen kuwii is qarxiyay.

Qaraxayada ka dhacay magaalada Kampala ayaa waxa ku dhintay in ka badan toddobaatan qof, xilli dadku ay daawanaeen cayaaraha adduunka.