Ethiopia oo sii deysay madax ONLF

Calanka Ethiopia
Image caption Calanka Ethiopia

Sida ay xaqiijinayaan warar BBC ka heshay xukuumadda dhulka somalida Ethiopia, waxaa goor dhaweyd xabsiga weyn ee Jig jiga laga sii daayey laba xubnood oo ka tirsanaa golaha dhexe ee jabhadda ONLF.

Labada nin oo kala ah Dhiire Caafi iyo Abdinuur Sooyaan waxa laba sano ka hor soo xiray maamulka Puntland ee Somalia oo u gacan galiyey dawladda Ethiopia.

Xasan Macllin Cali iyo Bishaara Wacdi ayaa iyagana la sii daayay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdinuur Sooyaan oo BBC u warramay waxaa uu sheegay in uu halganka halkiisii ka sii wadi doono, laakiin uu ahaanayo halgan nabad ah.

Sida taasi u dhici doonto wuxuu ku tilmaamay, in ay tahay in uu heshiisku marka uu hirgalo uu ku dhaqaaqi doono sidii ciidammada ONLF ay degaankooda ugu soo laaban lahaayeen dagaal la'aan ugana talin lahaayeen.

Wuxuu yiri Sooyaan, "maaddaama aan anigu baabuur cad ku dhex wato Jig Jiga oo la i dili waayay, ma dhaceyso in Ethiopia ay disho qof shacab ah oo baaddiye jooga".

Waxaa hadda mgaalada Jig Jiga jooga xubno kale o ka tirsan golaha dhexe ee ONLF iyo saraakiil ka tirsan ciidamada jabhadda ONLF oo heshiis nabadeed dhawaan la galay dawladda Ethiopia, iyada oo bihan la qaban doono xaflad lagu saxiixayo heshiiska garabka ONLF ee uu hogaamiyo Salaaxadiin Xaaji.