Shariif oo ka qeybgalaya shirka Saaxil iyo Saxara

Madaxweyne Shariif
Image caption Madaxweyne Shariif oo la fadhiya Madaxweynaha Libya Gaddafi (midig) iyo Madaxweynaha Sudan Cumar al-Bashir (Dhexe)

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed iyo wafdigiisa ayaa tagay magaalada N'djamena ee caasimadda waddanka Chad.

Madaxweynaha ayaa magaalada N'djamena waxa uu kaga qeybgalayaa shir madaxeed ay ku leeyihiin madaxda dalalka Saaxil iyo Saxara oo sanadw alba mar la qabto.

Arrimaha ay ka wada hadli doonaan Madaxweynayaasha dalalkaasi Afrika waxaa ka mid ah xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa ayaa horey u soo maray dalalka Masar iyo Talyaaniga oo uu kulamo kula yeeshay Madaxweynayaasha Masar iyo Talyaaniga.

Image caption Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed iyo qaar ka mid ah madaxda Afrika