Wufuud France iyo Britain oo la kulmay Siilaanyo

Siilaanyo
Image caption Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Wufuud ka kala socotay dowladaha Faransiiska iyo Britain ayaa wadahadallo kula yeeshay Hargeysa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo masuuliyiin kale.

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland la wareegaya 27 July, Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo Madaxweynaha la doortay ku weheliyay wada hadallada uu la galay Wufuudaasi ayaa BBC uga waramay waxyaabaha ugu waaweyn ee kulankaasi lagu soo qaaday.

Waxa uu sheegay inay ka mid ahaayeen iskaashiga labada dhinac ee xagga ammaanka iyo ka hortagga kooxaha argagaxisada, waxka qabashada dhibaatada burcad badeedda iyo arrimo kale oo xagga isgaarsiinta iyo horumarinta la xiriira.

Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu ku tilmaamay arrimaha ugu muhiimsan ee labada dhinac ay ka wada hadleen ay ahayd, sidii tayada ciidamada ammaanka ee Somaliland kor loogu qaadi lahaa si ay uga hortagaan kooxaha argagaxisada oo uu sheegay inay ku sii badanayaan gobolka Geeska Afrika.