Burundi oo noqotay waddanka ugu musuq maasuq badan

Burundi ayaa noqotay waddanka ugu musuq maasuqsan Bariga Afrika, iyadoo badashay Kenya oo ahayd wadanka ugu musuq maasuqsan sida ay sheegtay Hayadda Transparency International.

Warbixinteedii ugu danbaysay ayay hay'adda ku sheegtay, in xafiiska canshuurta ee Burundi uu yahay kan ugu musuqmaasuqsan bariga Afrika, waxaana ku xiga boliiska Burundi.

Boliiska Kenya oo sanadkii hore ka galay kaalinta koowaad musuq maasuqa ayaa sanadkan galay kaalinta saddexaad.

Rwanda ayaa noqotay waddanka ugu musuq maasuq yar gobolka.