6 qof, oo rayid iyo ciidan isugu jira oo ku dhintay Muqdisho

Islaamiyiinta ka soo horjeeda dowladda
Image caption Kooxaha Islaamiyiinta ka dagaalama magaalada Muqdisho

Ilaa 3 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay madaafiic saaka ku dhacda goobo dad rayid ah ay degan yihiin ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Degmada Boondheere oo maalmihii ugu dambeeyay ay dagaalo culus ka socdeen oo u dhaxeeya ciidamada AMISOM oo ka dhinac dagaalamaya ciidamada dowladda iyo kooxaha mucaaradka ee al-Shabaab ay hogaamiso.

Goobihii lagu dagaalamay, ayaa u muuqda in ay degan yihiin balse, ay ciidamadu wali is horfadhiyaan, iyadoo rasaas goosgoos ah mar mar laga maqlayo meelaha ay dagaaladu ka jireen.

Dhinaca kale ilaa 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhintay kadib markii bomb gacmeed lagu tuuray goob ay ku sugnaayeen, iyadoo ilaa 7 qof oo kalena ay dhaawacmeen.

Sarkaal u hadlay ciidamada, ayaa u sheegay sidoo kale in ciidamada oo saaka howlgal ka sameeyay degmada Waaberi ay soo qabteen ilaa 24 qof, oo su'aalo ay ka waydiinayaan sida ay sheegeen tuhun laga qabo in ay ku lug lahaan karaan weerarka.