Dhowr qof oo la dilay duqaynta Muqdisho

Dadka ka carara dhibaatooyinka dagaalka
Image caption dhibaatooyinka dagaalka

Dhowr qof, ayaa ku dhintay madaafiic iyo hoobiyayaal ka dhacayay maanta magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa qaarkood uu ay ku qaraxday xabad hoobiye oo ku soo dhacday Xamar-wayne, halkaas oo kadib markii ay iyadoo aan qarxin muddo taalay ay qaadeen koox dhalinyaro ah oo markii dambe ay xabaddu iskood ugu qaraxday ilaa afar ayaa isla goobta ku dhimatay iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa socda dhaqdhaqaaq ciidamada oo dhinacyadu ay xoojinayaan goobaha dagaalka ee ciidamadu isku horfadhiyaan.

Dhinaca kale, saraakiil u hadashay booliiska, ayaa u sheegay Weriye Maxamed Maxamuud Dhoorre in ay wadaan howlgal dhinaca ammaanka ah, oo ay ka fulinayaa goobaha ay dowladdu ka taliso si ay ammaanka u sugaan.

Waxay sheegeen in ilaa hadda ay qabteen 26 qof oo qoryo iyagoo sita la qabtay, oo ay sheegeen in la kala saarayo kuwooda askarta noqon kara iyo kuwo kooxaha kacdoonka ka tirsanaan kara.

Marka laga reebo duqaynta, ayaanay Muqdisho maanta ka jirin dagaalo iska hor imaad ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo ay la socdaan kuwa AMISOM iyo kuwa al-Shabaab oo maalimihii ugu dambeeyay ka socday Muqdisho.