Shir-madaxeedka AU oo kordhiyay tirada AMISOM

au summit
Image caption Shir-Madaxeeka AU

Shir-madaxeedki Midowga Afrika (AU) ee 15aad ayaaku heshiiyay in laba kun oo askari oo hor leh loo diro Somalia.

Askartaas waxaa lagu kordhinayaa ciidanka AMISOM ee hadda ku sugan Muqdisho.

Madaxa golaha ammaanka ee ururka Midowga Afrika, Lamaamla Ramtan, waxa uu BBC u sheegay in aan la wada beddeli doonin xilka iyo awodaha haatan ee ciidamada nabad-ilaalinta ee Amison ee jooga Somalia.

Hase ahaatee waxaa lagu heshiiye inay ciidamadaasi qaadi karaan weerarro ka-hortag ah amma dhabar-jebin ah, marka loo baahdo, oo ay ku qaadi karaan ururka al-Shabaab, si ay uga hortagaan weerarro iyaga lagu soo qaado.

Uganada ayaa waxay ku cabanaysa in ciidamadooda jooga Somalia ay xanniban yihiin oo ay dabran yihiin, sababta oo ah xilka iyo awoodda haatan ay leeyihiin oo ah inay is difaaci karaan oo qudha.

Dhinaca kale, waxa laga codsaday dalaka Africa ee danaynaya inay ciidamo u diraan Somalia, in ay g'aankooda ku soo gudbiyaan mudd bil ah gudaheed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Seyoum Mesfin, waxa uu isna ka sheegay magaalada Kampala, in waxyaabihii iyo hindisayaashii uu soo bandhiay urur gobleedka IGADD ee uu u gudbiyey shir-madaxeedkan AU, ee ku saabsanaa nabad-ilaalina Somalia, in la wada garowsaday.