Weeraradda Diyaaradaha aan la wadin iyo kuwa Taliban

Diyaaradaha aan la wadin
Image caption Diyaaradaha aan la wadin ee Maraykanka

Waqooyiga Waziristan, wuxuu yeeshay sumcadda ah in uu gabaad u noqday maleeshiyooyinka Islaamiyiinta ee dunida ugu qatarta badan, oo uu ka mid yahay, Osama Bin Laden.

Sanadihii ugu dambeeyay, oo guul la taaban karo aysan ku gaaren tallaabo ay qaadeen military-ga Pakistan, ayaa Maraykanku go’aansaday sida ugu wanaagsan ee lagu dili karo kuwa Maraykanku u arko in ay qatar ku yihiin ay tahay gantaallo laga soo rido diyaaradaha aan la saarnayn.

Isticmaalka diyaaradaha ee laga howlgaliyo dhulka qabaa’ilka ee Pakistan ayaa ku bilaabatayiyadoo uu maamulka hayay madaxwayne George W Bush, balse waxay si muuqata u korortay tan iyo markii uu xukunka qabtay Barack Obama.

Taliban, ayaa qiratay war ay siisay BBC, in weeraradu ay saameeyeen, balse waxay sheegeen in ugu dambaynta ay iyagu ku guulaysan doonaan dagaalka.

Ma fududa in si madax banaan loo darso saamaynta ay yeesheen. Waqooyiga Waziristan, oo ah halka weerarada ugu badan ay ka dhaceen ayaa inteeda badan ah goob aysan weriyayaasha dibeddu gali Karin.

Kuwa ku nool deegaankana aad ayay uga baqaan in ay ka hadlaan qodobkaas.

Weeraradu way ‘wanaagsan yihiin’

Balse, BBC ayay u suurtagashay in ay hesho fikradaha dadka rayidka ah eek u nool goobaha dagaalka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka, Sher Ahmad Wazir, oo ka yimid deegaanka Mir Ali ee waqooyiga Waziristan, ayaa yiri: "Waan ka soo horjeedaa weerarada diyaaradaha aan la saarnayn sababtoo ah dad badan oo rayid ah ayaa ku dhinta. Maraykanku muxuu naga rabaa? Dowladdayadu ma aha in ay Maraykanka in ay la safato."

“Habkeena maamulka iyo la socoshada aad ayuu u xoog badan yahay, sidaa awgeed muddo dheer saamayn ma nagu yeelan doonaan muddo dheer.” Afhayeenka Taliban Muhammed Umer Taliban.

Balse Zahid (ma aha magaciisa runta ah, oo ka yimid deegaanka Wana, ee Koonfurta Waziristan, ayaa yiri: "Waxaan u malaynayaa in weerarada diyaaradaha aan la saarnayn ay gaystaan ay wanaagsan yihiin: waxay bartilmaameedsadaan dad sax ah, oo argagixisayaasha ah."

Bahar Wazir, oo ka yimid Shawal, waqooyiga Waziristan, wuxuu yiri: "Waxaa doorbidi lahaa in weerarada diyaaradaha aan la saarnayn lagu badallo howlgallo dhinaca dhulka ah, ababtoo ah howlgalada aan waa nalagu laayaa, ciidamada Pakistanna ma tixgaliyaan sharaxta rageena iyo dumarkeena.

Arrinta wayn ayaa ah isticmaalka diyaaradaha aan la wadin waxaa walwal badan ku dad badan oo rayid ah oo ku dhintay.

Inta badan, kadib weerarada gantaalaha ee diyaaradahan laga rido, ciidamada Pakistan ayaa soo saari doona war ay ku sheegayaan in dadka weerarada ku dhintay ay kulli yihiin maleeshiyada Taliban ee ka howlgaladysa agagaarka, oo dadka deegaanka oo kaliya ay sheegaan in dad rayid ah ay dhinteen.

Waa in xisaabta lagu daraa in kuwa ku nool waqooyiga Waziristan laga yaabo in ay ka cabsi qabaan in maleeshiyooyinku dilaa hadii Taliban ay ku xoog badan yihiin goobtaas.

La helidda bartilmaameedyada?

Baaritaan dhowaan ay samysay machadka Ariana ee magaalada Islamabad, ayaa lagu ogaaday in ilaa 80% dadka la waraystay ee dhulka qabaa’ilka ee Pakistan's ay areemeen in bartilmaameedka uu yahay mid sax ah.

Qaar badan ayaa sheegay in dagaalyahaniinta ajnabiga ah (Carabta, Uzbek-ga iyo Tajik-ga,) ay si gaar ah u saameeyeen weeraradan.

Dr Khadim Hussain, Agaasimaha machadka, ayaa sheegay in baaritaanka lagu sameeyay in dadka gobolada Waziristan ay ka caraysan yihiin iyo in kale uu yahay baaritaankaas mid aan dhamaystirnayn.

Sarkaal sare, oo ka tirsan Markanka, ayaa u sheegay BBC in ku dhowaad 650 maleeshiyo lagu dilay gudaha Pakistan sababo la xiriira weerarada diyaaradaha aan la saarnayn tan iyo markii Obama uu xafiiska qabtay.

Image caption Diyaaradaha aan la wadin ee Maraykanka ee weeraro ka gaysta gudaha dalka Pakistan

Sarkaalkan, ayaa sheegay in oo kaliya ilaa labaatan qof oo rayid ah lagu dilay weerarada diyaaradahan inta kale ay ahaayeen dad dagaalama.

Baaritaan ay samaysay Laanta Urdu-ga ee BBC, ayaa tirade lagu dilay weeraradan intaas aad uga badinaysa, waxaana ay sheegtay in ay jiraan meelo badan oo dadka la dilay sinaba loo aqoonsan waayay cidda ay yihiin.

Wuu yar yahay shakiga jiraa ee ku aadan diyaaradaha aan la saarnayn in ay isbadal ku keenaan qaababka ay maleeshiyooyinka uga howlgalaan dhulka qabaa’ilku degan yahay.

Goobjoogayaasha, ayaa sheegay in dagaalyahaniinta Taliban iyo kuwa ajnabiga ah ay aad uga taxadaraan in ay tiro badan iyagoo ah meel isugu tagaan, ay si deg deg ah uga dhaqaaqaan meel kasta.

Dadka ugu magaca dheeraa ee lagu dilay weerarada diyaaradaha aan la saarnayn, waxaa ka mid ah hogaamiyihiin Taleban-ka Pakistan iyo nin kale oo la rumaysan yahay in uu ahaa ninka sadexaad ee taliska al-Qaeda, iyo ninkii badalay.

Taliban way qiratay in weerarada diyaaradaha aan la saarnayn ay hakiyeen howlgaladooda.

'Dhiig cusub'

"muddada gaaba, haa, waad dhihi kartaa dhibaato ayay nagu hayaa marka aad eegto shuhaddada iyo dib u qaabaynta darajooyinkeena," waxaa yiri afhayeen u hadlay Taliban , Muhammed Umer.

"Balse, habkeena taliska iyo maamulka, aad ayuu u xoog badan yahay, sidaa darteed muddo dheer nama saamayn doonaan, ," ayuu raaciyay. “Taa badalkeeda geesinimo hor leh ayaa noo kordhaysa, iyadoo aan noqonayno kuwo ka awood badan sida aan nahay, maadaama dhiig cusub uu nagu soo biirayo."

“Meeqa qof ayaa doonaysaa in aad disho si aad u hesho Osama Bin Laden?”Rahimullah Yusufzai, weriye u dhashay Pakistani

Waxaa la hubaa, hadii tallaabada guusha loo arko tirade weerarada ay fuliyaan Talibanka Pakistan, markaas waxaa la dhihi karaa wax wayn ma tarin weerarada diyaaradaha aan la saarnayn.

12-kii bilood ee la soo dhaafay, ayaa waxaa kordhay tirade Pakistaaniyiinta ku dhintay bombooyinka ay maleeshiyadu qarxiyeen.

Qaar, sida weerarkii lagu qaaday xarumaha ciidamada Rawalpindi, waxay muujiyeen heerka cusub ee weeraradoodu gaarsiisan yihiin.

Waxaa jira qaar badan oo halkan jooga oo dareensan in weerarada diyaaradaha aan la wadin ay maleeshiyadu u adeegsadaan propaganda, waxayna ku guulaysteen taa..

Waxaa ka mid ah Rahimullah Yusufzai, oo ah weriye iyo khabiir wayn oo ku taqasusay maleeshiyada waqooyiga-galbeed ee Pakistan.

"Meeqa qof ayaad doonaysaa in aad disho si aad u hesho Osama Bin Laden?" ayaa waydiiyay.

"Meeqa maleeshiyo oo caadi ah oo laga yaabo in aysan dhibaato badan u gaysan Maraykanka ama isbahaysigiisa ayaa donaysaa in aad disho si aad u hesho Dr [Ayman] al-Zawahiri [Bin Laden ku xigeenkiisa]? Taas ayaa su’aashu tahay."

Rajo xumo sii kordhaysa

Hase yeeshee, waxaa jira qayb wayn oo ka mid ah bulshada Pakistan oo ka soo horjeestay nidaamka maleeshiyada ee halka.

Image caption Hogaamiyihii Taliban ee lagu dilay weerarada diyaaradaha aan la wadin.

Hogaamiyaha Maleeshyada Baitullah Mehsud oo ahaa ninka ugu sareeyay ee k u dhintay weerarada diyaaradaha aan la wadin.

Waxay doonayaan in ay arkaan in la soo afjaro noocyada bombooyinka argagixiyay iyaga, waxaana sii kordhaysa raja xumadooda ku aadan in ay xal u heli karaan.

Suurtagal ma aha in ay isugu soo baxaan waddooyinka iyagoo ka cabanaya weerarada diyaaradaha aan la wadin ay ku qaadaan.

Dowladda Pakistani laf ahaanteedu waxaa dhici karta in sida guud ka soo horjeeddo weerarada diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee aan la wadin ee dhulkeeda ka dhaca

Hase yeeshee, way ku faraxday markii uu ku dhintay weeraro noocan ah hogaamiyaha Taliban Baitullah Mehsud, oo la dilay bishii August 2009.

Sidaa darteed su’aashu waa Pakistan ma is dhigatay mise maya?

Pakistaniyiinta, waxay mar mar kuu sheegayaan in ay rumaysan yihiin in iskaashiga dowladda ay la shaqaynayso Maraykanka marka ay timaaddo weerarada diyaaradaha aanay cidi wadin.

Waa eedayn inta badan ay xukuumadda Islamabad beeniso.

Waxaan u bandhigay wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Rehman Malik in xitaa hadii diyaaradaha laga maamulo gudaha dalka Maraykanka, in qayb ka mid ah sahanka uu ka yimaado Pakistan.

"Anigaa ka dagaalamaya dagaalka aagaas, waan ogahay sida ay u dagaalamaan," Mr Malik ayaa sheegay. "waxaan aqoon u leeyahay technology-ada, waana xaqiijin karaa in si madaxbanaan loo qabto."

Wuxuu intaa raaciyay, in dowladiisu ay arrinta la soo qaaday xukuumadda Washington in ay yihiin weeraro lagu hayo "madax-banaanideena".

Balse, qaar badan oo dhaafsiisan goobjoogayaasha ay u arki doonaan wax u wanaagsan Pakistan in ay sida guud u dhaleecayso diyaaradaha aan la wadin weerarada ay fuliyaan, iyagoo sida gaarka ahna u taageera weeraradan.

'Tan ugu saxan'

Dalka inta badan dadka dibeddu waxay ku eedeeyaan in uu u ogolaaday maleeshiyo ka timid Afghanistan in ay joogaan waqooyiga Waziristan.

Sida ay dadka qaar rumaysany yihiin, ayaa ah in Pakistan ay dareensan tahay in Taliban ay ugu dambaynta dib u qaban doonto maamulka Afghanistan, ayna doonayso deris saaxiib la ah oo ay wax kala maqlaan.

Image caption Saraakiil ka tirsan dowladaha Maraykanka iyo Pakistan

Isla codadkaas ayaa muujinaya in xukuumadda Islamabad ay doonayso in ay wax ka qabato qaar ka mid ah canaasiir ku jira maleeshiyooyinka gudaha dhulka qabaa’ilku dego ee ka soo horjeeda danahooda, balse ay doorbidi lahaayeen in cid kale ay eedda qaadato.

Taa jawaabteeda, ayaa ciidamada Pakistan, waxay tilmaamayaan tirada ciidamad ee kaga dhintay dagaalka ay la galeen maleeshiyooyinka.

Waddo kale oo furan ma jirtaa?

CIA Maraykanka, way diiday in ay ka hadasho warkan balse mowqifka Marykanka eek u aadan diyaaradaha aan la saarnayn ayaa ah in la xakameeyo dhibaatada dhankooda soo gaari karta.

Sarkaal sare oo ka tirsan Maraykanka oo la hadlayay BBC, ayaa ku tilmaamay "hubka ugu sixidda badan ee soo mara taariikhda dagaalka".

Hadii ay ahaan lahayd in aysan dhaqaale u haysan, sida xukuumadda Islamabad ay ku doodayso ama in aysan jirin rabitaan ay u hayso, sida inta badan reer galbeedku muujinayaan, ayaa ciidamada Pakista aysan suurtagal u ahay in ay weeraro dhulka ah ka fuliyeen waqooyiga Waziristan.

Waxa Pakistan ay leedahay in ay doonayso ayaa ah in weerarada diyraaraha aan la saarnayn ay sii socdaan, balse ay ku socdaan maamulkeeda, ee aysan ku socon kan dalka Maraykanka.

"Maraykanku hana siiyo uun technology," ayuu yiri Rehman Malik. "hadii anaga aan howsha qaanno, dadka Pkistan dhib uma arkaan."