Xaaladda Galgala

Wasiirka Gudaha Puntland
Image caption Wasiirka Gudaha Puntland

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Axmed Jaamac ayaa sheegay in kooxda islaamiyiinta lagu sheegay ay degaanka Galgala si nabad ah uga baxaan dhulkaas, haddii kale xukuumadda iyo dadka degaanka ay xoog isaga saari doonaan.

wareysi BBC la yeelatay, ayaa kaga waramay kooxdan oo uu sheegay in ay isugu jirto kuwa degaanka ka soo jeeda iyo kuwo uu ku sheegay in ay dool kaga yimaadeen koofurta iyo galbeedka somalia, ay iyagu weerareen ciidamada Puntland.

Wasiirka oo BBC wareysatay ayaa sheegay isimada iyo xukuumadda puntland ay muddo 4 bilood ah ku dadaalayeen sidii xal nabad ah uu ku imaan lahaa, wuxuu intaas raaciyey in shirar badan oo ay yeesheen dadka degaanka ay ka soo saareen digniin ay u jeediyeen kooxda, ayna ugu baaqeen si nabad ah in ay degaanka uga baxaan, haddii kale iyadoo kaashanaya dawladda iyo dadka Puntland ay iska saari doonaan.

Wasiirka Gudaha ee Puntland, General Abdulahi Ahmed Jaamac wuxuu beeniyey warar sheegaya in dawlado shisheeye ay gacan ku siinayaan, dagaalka ay kula jiraan kooxda islaamiyiinta, wuxuuna ku dkaystay in maamulka Puntland uu ku filan yahay.