Burcad baddeed lagu xukumay 10 sano

 Burcad maxkamad la saarayo
Image caption Burcad maxkamad la saarayo

Maxkamad ku taalla Seychelles ayaa xarig toban sano ah ku xukumay 11 Soomali Burcad baddeed ah.

Waa xukunkii ugu horeeyay ee noocan ah ay jasiirad ay qaado jasiirada Seychelles, oo ku taallo meel u jirta in ka badan 1000 km xeebta Soomaaliya.

Burcadda ayaa la soo qabtay sanadkii hore iyagoo isku dayaya inay afduubaan doon ay lahayd ilaalada badda ee Seychelles.

Sanadkan horaanteedii ayaa Seychelles la saxiixday heshiis Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, inay maxkamad saarto dadka burcad nimada lagu tuhun san yahay .

Ilaa 30 Soomaali ah oo lagu tuhun san yahay burcad nimo ayaa ku xiran Seychelles oo sugaysa maxkamad.