Hal million iyo bar fatahaado ay qaadeen

Hal million iyo bar dad ah ayaa u baahan gar gaar deg deg ah
Image caption Hal million iyo bar dad ah ayaa u baahan gar gaar deg deg ah

Malaayiin Dollar oo gar gaar ah ayaa loo balan qaaday Pakistaan halkaas oo ay ku dhinteen kumantyaal dad ah fatahaadii ugu xumayd ee Oakistaanka dhacda mudo dheer.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki moon, ayaa sheegay inuu saxiixay 10 million oo dollar oo la siiyo Pakistaan.

Maraykanka ayaa sheegay inay siinayaan 10 million oo dollar, helicoptaro iyo Doonyo.

Shiinaha ayaa sidoo kale deeq balan qaaday.

Dadkii deganaa waqooyiga galbeed Pakistaan ayay saamaysay fatahaada biyaha, waxaa lagu qiyaasayaa in in kabadan hal iyo bar million oo qof inay gar gaar u baahan yihiin.

Afhayeenka Save the Children ayaa BBCda u sheegay in meelaha ugu daran sida gobolka Swat Valley, uu qasaaraha soo gaaray ka daran yahay dhulgariirkii 2005 tii ka dhacay Pakistaan.

Afhayeenka hayadda WFP ee islamabad Amjad Jamal ayaa BBCda u sheegay in ay dhib tahay in gar gaarka dadka la gaar siiyo oo jidadkii ay wada xirmeen.