Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isbitaal laga dhisayo Burtinle

Image caption Magaalada Burtinle

Magaalada Burtinle waxaa ka socda dhismaha isbitaal guud kii ugu horreeyay ee ay degmadu yeelato, kaas oo ay dhismihiisa hirgelinayaan dadwaynaha halkaas ku dhaqan.

Waxaa muddooyinkan socday lacago qaaraan ah oo laga ururinayo ganacsatada magaalada ku dhqan, iyo xitaa dadka reer miyiga ah ee ku xeeran magaalada Burtinle oo iyagana ku deeqay xoolo fara badan.

Maxamed Yusuf Jaamac oo xubin ka ah guddiga gacanta ku haya dhismaha isbitaalka, ayaa wariyaha BBCda Axmed M.Cali uga warramay waxa dadka deegaanka ku baraarujiyay hawshan. Dhismaha isbitalka guud ee Burtinle wuxu ka dambeeyay, ayuu yiri markii ay soo ifbaxday baahida ay dadku u qabaan adeeg caafimaad, iyadoo dhinaca kalana degmadu ay ku fadhido dhul aad u ballaaran ayna hoos tagaan tuulooyin iyo dad fara badan oo miyiga ku dhaqan. Maxameded Yusuf Jaamac wuxuu sheegay, in dadka magaalada qaarkood ay ku baraarugeen dhibaatada ka taagan dadka caafimaad ahaan loogu qaado isbitaalada Garoowe iyo Galkacyo oo qaarkood ay waddada ku dhinteen intii la sii waday, taas ayaa keentay in dadku bilaabaan ururinta qaaraan dhaqaale loogu ururinayo isbitalka. Xitaa qaaraanku wuxuu gaaray dadka miyiga ku dhaqan oo iyana ku deeqay xoolo u badan Ari, ganacsatada qaybahooda kala duwan ayaa iyana ku deeqay lacag fara badan, waxaana isbitaalka ku baxaya lacag dhan $157.000, taas oo qorshuhu yahay inay ka timaado dadka degaanka, maamulka Puntland iyo jaaliyadaha dibadda.