Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sheekh

Image caption Sheekh Maxamed Cumar Dirir

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo saldhiggiisu yahay magaalada Hargeysa ayaa dhawrkii bilood ee ugu danbeeyeyba socdaal ku marayey dalal badan oo dibadda ah.

Dhawaanna waxa uu yimid magaaladan London iyo magaalooyin kale oo ku yaal dalkan Ingiriiska.

Haddaba studiyaha Bush House oo uu ku waraystay Yoonis Cali Nuur, ayaa Sheekh Dirir uu uga waramay ujeedka safarkiisa Europe iyo goobaha uu soo maray.