Wasiirka gaashaandhigga Somaliland oo ka hadlay ciidamada Buuhoodle

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland
Image caption Somaliland defence minister

Wasiirka gaashaandigga Somaliland, Ahmed Hagi Ali Cadami, ayaa sheegay in aanu hadda jirin wax go'aan ah oo dawli ah oo ku saabsan in wax laga bedelo qorshaha istaraatijiyadeed ee ciidamada Somaliland ee jooga degaannada Buuhoodle.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hadalkani wasiirku waxa uu ka danbeeyey waraysiyo ay bixiyeen madax-dhaqameedyo ka kooban salaadiin ka kala socotey gobollada Togdheer iyo Buuhoodle oo shir dhowr maalmood socday ugu dhammaaday degaanka Xadh-Xadhan ee u dhexeeya Coodinle iyo Buuhoodle, kana soo saaray go'aano ay ka mid yihiin in la qaado ciidamada Somaliland ee ku sugan degaannada Buuhoodle.

Hase ahaatee wasiirka gaashaandhiggu, waxa uu sheegay in, in kasta oo dawladdu ay taageerayso dedaal iyo is-xilqaan kasta oo madax-dhaqameedyadu ay ka yeeshaan wadahadallo nabadeed oo gogol-xaadh ah, in haddana waxa iyaga la gudbooni ay tahay inay taloyinkooda u soo jeediyaan dawladda, dawladduna ay tahay ta iyadu iska leh go'aanka kama-dambaysta ah iyo fulintiisa.

Salaadiinta ka qayb gashay shirkaas Xadh-xadhka, waxaa ka mid ah Suldan Said Osman Ali oo ka mi ah isimada ka socday Buuhoodle Khadka telefoonka ayuu suldaanku ugu warramay Abdinur S Moh'd oo waydiiyey ujeedadii shirka ay u qabteen iyo wixii go'aanno ay gaareen

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhinca kale Salaadiinta dhinaca Burco ka socotay, waxaa ka mid ah Suldaan mohamoud Xaaji xuseen oo markii ay Burco dib ugu noqdeen u waramay wariyaha BBCda X JJ Xgar oo marka hore waydiiyey shirka xadhadhka ee ay cuqasha intaas le'eg ka qayb galeen sababta looga dhigay shir qarsoodi ah?

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan