Xildhibaan Asha Abdalla Ahmed oo ka hadashay dagaallada Gagala

Somali MP, Asha Abdalla
Image caption Xildhibaan Asha Ahmed Abdalla

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Somalia, Asha Ahmed Abdalla, oo ka soo jeedda degaanka Sanaag Bari, ayaa si kulul uga hadashay dagaallada Galgala ee u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo miliishiya ka soo jeedda degaankaas.

Xildhibaan Asha, oo mawqifkeeda dagaallada Galgala uga warrantay Yonis Ali Nur, waxay mas'uuliyadda dagaalladani dhabarka ka saartay dawlad-gobleedka Puntland, waxayna ku doodday in dagaalku ku lug leeyahay dhaqaale iyo khayraad la raadinayo oo ay ka mid tahay macdan ku jirta degaannadaasi, oo maamulka Puntland damac ka hayo, degaankuna is-difaacayo

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waxa kale oo ay sheegatay in dagaalkani aanu ahayn mid haatan bilaabmay, laakii dhibaatadani ay soo jirtey ilaa dawladdii hore ee Cadde Muuse

Asha Abdalla waxa kale oo ay aad u weerartay madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Abdirahman Sh Mohamed Faroole, oo ay ku eedaysay inuu duullaan ku yahay beelo iyo degaanno gaar ah, waxayna ugu baaqday inuu is-casilo amma xilka laga qaado.

Waxa kale o ay isna ku eedaysay raiisal-wasaaraha Somalia, Omar Abdirashiid Sharma'rke, inuu dhawaan u raray hub dawladda Puntland, si ay ula dagaallanto degaannadaasi Galgala.

Xildhibaan Asha waxay ugu danbayntii ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada, maaraynta arrimahaasina loo daayo odayaasha degaanka