Afar lagu xiray Kampala

Goobaha qaraxu ka dhacay midkood
Image caption Goobaha la qarxiyay midkood

Uganda ayaa xirtay afar ruux oo ay sheegtay in ay ka dambeeyeen laba qarax bambaano oo ka dhacay caasimadda, Kampala, bishii hore.

In ka badan 70 ruux ayaa ku dhintay weerarradaas. Waxay dadkaasi daawanayeen cayaartii kama dambeysta ahayd ee Koobka Adduunka.

Afarta ruux ee la xiray oo dhammaantood ah Ugandan, way qirteen kaalinta ay ku lahaayeen qaraxyada, waxayna sheegeen in ay diin darteed u sameeyeen.

Shabaab ayaa iyadu hore u sheegatay in ay ka dambeysay weerarkaas.

Waxay ku tilmaantay in loogu aargudayay dad Soomaali ah oo ay dileen ciidammada Uganda.