Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dagaalka Galgala weli ma dhammaan

Image caption Ciidanka Puntland

Maxamed Siciid Atam, oo ka tirsan kooxda ka dagaallanta degaanka buuraleyda ah ee Galgala, ayaa ku tilmaamay in aan dhinaciisa looga guuleysan dagaalka ay la galeen ciidanka Puntland.

Atom, wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin ciidan degaan oo Islaamka isku maamula laguna soo dulay.

Wuxuu iska fogeeyay in uu wax gacan saar ah la leeyahay Shabaab iyo al Qaacida, kuwaas oo hore loogu eedeeyay.

Wuxuu uu bixiyay hanjabaad isaga oo sheegay in maalmaha soo socda la maqli doono war hor leh.

Wuxuu ku tilmaamay in ciidankii iyaga ku soo duulay ay hadda la' yihiin meel ay ka baxaan.

Atom, wuxuu Dowlad goboleedka Puntland ku eedeeyay in ay qandaraas shisheeye ku soo qaadatay in ay soo qabqabato isaga iyo ciidankiisa, degaannadoodana ay burburiso.