Qiimaha qamadiga oo kordhay

Dabka wuxuu baabi'iyay dhul beereed badan
Image caption Dabka wuxuu baabi'iyay dhul beereed badan

Ruushka oo ah waddanka ugu wayn ee soo saara qamadiga ayaa ka digay in miraha ka soo baxa beeraha sanadkan uu hoos u dhici doono saddex meelood meel sababtoo ah malaayiin hectaro oo beero ah ayaa waxaa saameeyay dab iyo roob laaan.

Raiisal wasaaraha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in waddankiisa uu soo saari karo oo kaliya 60 million oo tan oo qamadi ah sanadkan, halka uu sanadkii hore ka soo saaray 100 million oo tan oo qamadi ah.

Ruushka ayaa mamnuucday dhoofinta qamadiga laga bilaabo bishan ilaa bisha December.

Qiimihii qamadiga aduunkana aad ayuu u kordhay.