Uganda oo laga yaraynayo gargaarka

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni
Image caption Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni

Waddamada deeqda bixiya ayaa sheegay in yarayn doonaan toban boqolkiiba, gargaarka ay siinayaan Dalka Uganda musuq maasuq dartii.

Bangiga Adduunka, Midowga Yurub iyo sagaal wadan oo reer Yurub ah, ayaa waxay qorshaynayeen in saddex boqol iyo lixdan million oo dollar ay ku kabaan miisaaniyada Uganda, laakiin waxay ka dhimi doonaan lacagtaas toban boqolkiiba.

Waddamada deeqda bixiya ayaa amaanay sida ay Uganda u maamushay dhaqaalaheeda, laakiin waxay sheegeen in dowladda ay ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato musuq maasuq badan oo waddanka ka jira.