Ethiopia: waan ku noqon karnaa Soomaaliya

Raiisal wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi
Image caption Raiisal wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi

Raiisal Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, ayaa sheegay in sida keliya ee ciidankiisu ugu laaban karo Soomaaliya ay tahay, haddii ciidammada AMISOM khatar la geliyo.

Shuruud kale ayuu ku xiray oo ah in markaa haddii ciidammada AMISOM ay codsadaan markaa ay ciidammada Ethiopia soo daad gureyn doonaan ciidankaas.

Wuxuu ku tilmaamay in aanay taasi u ekeyn in ay dhici doonto.

Ciidanka Ethiopia waxay hore u galeen koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay caasimaddu ku jirto.

Dagaallo aan kala go' lahayn ayaa ka dhacay waxaana ku dhintay dad badan oo rayid ah.

Waxaa kale oo dhintay dad badan oo ka mid ah labada dhinac oo dagaallamayay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, oo isagu markaa madax u ahaa muqaawamada la dagaallamaysay ciidanka Ethiopia, ayaa isagu haddah ah xulafo la ah dowladda Ethiopia.

Waxaa ay dowladda Soomaaliya ka heshay Ethiopia tababbar ciidan iyo kaalmo dhinacyo kale ah.