Jabhadda Lords Resistance oo la eedeeyay

Image caption waa koox ka mid ah ciidanka dhallinta yar ee jabhadda Lords Resistance Army oo farxad muujinaya.

Ururka Human rights watch ay ku eedeeeyey Jabhada la yidhaahdo Lord Resistance Army oo ah urur falaago ah oo ka hawlgal dhul ballaadhan oo badhtamaha Afrika ah inuu ku kacay olole khasab uu dadka ku qoranayo. Ilaa 700 oo qof oo isugu jira Caruur iyo dad qaan-gaadh ah ayuu si naxariis-darro ah guryhoodii oo ku yaala meelo fogfog oo ka mid ah Jamhuuriyada Badhtamaha afrika iyo Jamhuuriyada dimoqraadiga ah ee Congo uga qafaashay sida ay warbixintu sheegayso. Martin Plaut ayaa wax ka qoray.