Dadaalka Nabadda gobolka Soomaalida Ethiopia

ONLF
Image caption ONLF, wali qayb ka mid ah ayaan heshiiska ku jirin.

Gobollo ka mid ah degaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia, waxaa ku sugan xubno ka tirsan masuuliyiinta jabhadda ONLF ee dhawaan heshiiska ay wada galeen dawladda Ethiopia.

Masuuliyiinta waxaa kale oo wehliya culimo kale oo dalal kale ka tegay si ay wacyi-galinta nabadda uga qayb qaataan.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Image caption Ethiopia iyo WSLF oo heshiis saxiixday

Culimadaas waxaa ka mid ah Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul, oo ka mid ah culumada diinta laga yaqaan ee dalka Kenya.

Sheekh Shakuul, ayaa magaalada Jig-jiga kula kulmay weriyaha BBCda, Cabdirisaq Xaaji Catoosh, oo waraysi la yeeshay.