Mushaar la'aan ayay ahaayeen saddex bilood

somaliland
Image caption Booliiska gaadiidka ee Somaliland

Maamulka cusub ee Somaliland ayaa sheegay in ay bixin doonaan mushaarka shaqaalaha dowladda oo aan la qaadan muddo saddex bilood ah.

Wasiirka Cusub ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi oo u waramayay BBC ayaa ku dhawaaqay in maanta ay bilaabayaan bixinta maushaarkii shaqaalaha dawladda ka maqan.

Wasiirku waxa uu sheegay in ugu yaraan laba bilood mushaarkooda ay siin doonaan shaqaalaha.

Shaqaalaha dowladda Somaliland, oo ay ku jiraan ciidamada booliiska ayaan muddo saddex bilood ah qaadan wax mushaar ah.

Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay arri mo kale oo ay ka mid yihiin nidaamka cashuur ururinta oo ay dhawaan xoojisay xukuumadda cusubi, la dagaallanka musuq-maasuqa, iyo qorshihiisa guud ee la xiriira wadashaqeynta wasaaraddiisa iyo ganacsatada.