Shabaab oo la wareegtay bakhaaro raashin ah

shabaab
Image caption Maliishiyada xarakada Shabaab

Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaab ayaa wararku sheegayaan inay la wareegeen ilaa soddon bakhaar oo cunto ay ku jirtay oo ku yaalla magaalada Beledweyne.

Shabaab ayaa baaritaan ku sameysay goobaha ganacsiga ee magaalada Beledweyne, waxaana dad goob joogayaal ah ay sheegeen in furaayasha bakhaarada ay kala wareegeen dadkii milkiilayaasha ahaa.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo BBC la hadlay ayaa sheegay in raashinka aanu ahay mid mucaawino ah, balse ay ka soo iibsadeen magaalooyin ku yaalla gobolka Galgaduudaysan, isla markaana aanay ogeyn sababta raashinkooda loola wareegay.

Raashinka ayaa la sheegay inay ku taalay calaamadda hey'adda WFP oo ay Shabaab horey uga mamnuucday gobollada ay ka taliso.

Warar ayaa sheegaya in Xarakada Shabaab ay markii danbe raashinka u qeybisay dadweynaha magaalada.