In ka badan konton qof ayaa ku dhintay

qarax
Image caption Ugu yaraan Konton ayaa ku dhintay qaraxa Baghdad

Saraakiisha caafimaadka ee dalka Ciraaq ayaa sheegaya in qarax bam oo qof is qarxiyay ah oo ka dhacay xarun ciidamada lagu qoro bartamaha magaalada Baghdad inay ku dhinteen in ka badan 50 qof, boqol in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Qofka is qarxiyay ayaa isaga oo lugeynaya soo dhexmaray dad badan oo saf ugu jiray in shaqo loo qoro.

Boqolaal qof ayaa halkaasi ku baryay xalay si ay meel fiican uga galaan safka shaqa qorista.

Waxaa jiray weerarro noocan oo kale ah, oo lala beegsaday dadka qoranaya inay ku biiraan ciidamada Ciraaq.

Qaraxan ayaa yimid, iyadoo ciidamada Mareykanka ay isu diyaarinayaan inay ka saaraan tiro badan oo ciidamadooda dagaalka ah waddanka Ciraaq, in kastoo ay sii joogi doonaan 50,000 oo askari oo gacan siin doona ciidamada ciraaq.

Weriye BBC ka tirsan oo jooga Baghdad ayaa sheegaya in muddooyinkan danbe ay al-Qaacida ku soo xoogeysaneysay gudaha Ciraaq.