Askarigii dagaal ee u danbeeyay ayaa ka baxay

Ciidamada Mareykanka
Image caption Ciidamada Mareykanka oo ka baxaya Ciraaq

Askarigii ugu dambeeyay ee ciidamada dagaalka ee Mareykanka ayaa ka baxay waddamka Ciraaq, kadib toddobo sano hawgalkii Mareykanku hogaaminayay ee lagu qabsaday Ciraaq, awooddana looga tuuray Saddaam Xuseen.

Ciidamada Mareykanka iyo gawaari ay leeyihiin ayaa ka gudbay soohdinta Kuwait xilli mugdi ah.

Ilaa Konton Kun oo ciidamo Mareykan ah ayaa sii joogi doona Ciraaq, laakiin is difaaci doona ama haddii codsi uga yimaado masuuliyiinta Ciraaq.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ku lug lahaanshaha Mareykanka ee Ciraaq aanay weli dhamaan.

Waxa ay sheegtay in Mareykanku hayo lacag dhan trillion-dollar oo lagu maalgelinayo dalka.

Ku dhawaad 4500 askarta Mareykanka ah ayaa ku dhintay dagaalka Ciraaq.

Boqolaal kun oo reer Ciraaq ah ayaa naftooda ku waayay tan iyo markii la qabsaday dalka 2003.