Shabaab oo gubtay raashin

shabaab
Image caption Xarakada Shabaab oo gubeysa raashin ay sheegeen in uu dhacay

Xarakada Shabaab ayaa gudaha Soomaaliya ku qabtay cunto ay sheegeen inay leeyihiin hay'adaha WFP iyo USAID, kadibna waa ay gubeen.

Raashinka la gubay oo isugu jiray galley iyo qamadi, ayaa gaarayay ilaa 500 jawaan.

Arrintan ayaa ka dhacday dulleedka waqooyiga magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in cuntada ay ahayd mid dhacday.

Afhayeen u hadlay WFP, Peter Smerdon, ayaa sheegay in uu hubinayay wararka ku saabsan cuntada la gubay, wuxuuna sheegay in WFP aysan qaybin cunta dhaaftay waqtigii ay dhacaysay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamed Xuseen, oo ka hadlay meesha lagu gubayay cuntada ayaa waxa uu sheegay in ay la dagaallamayaan WFP, oo uu ku tilmaamay inay cadaw u tahay Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan hawlgal ay ku baarayaan raashinka yaalla suuqyada.