Shariif oo la kulmay Cumar al-Bashiir

Sudan iyo Somalia
Image caption Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Cumar al-Bashiir

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo booqasho ku jooga waddanka Sudan ayaa la kulmay Madaxweynaha Sudan Cumar al-Bashiir sida laga soo xigtay Raadiyaha dowladda Sudan.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Suadn iyo Soomaaliya iyo gaar ahaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada iyo dagaallada mudada dheer ka socda Soomaaliya.

Sida uu sheegay Radiyaha Sudan dowladda Sudan ayaa waxa ay soo bandhigtay baaqyo nabadeed oo ku saabsan qaabkii nabad waarta iyo xal siyaasadeed loogu heli lahaa waddanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu ka helay martiqaad rasmi ah Madaxweynaha Sudan, waxaana la filayaa in isaga iyo wafdigiisa ay sii joogaan Sudan dhawr maalmood.