Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Iskuulka dugsiga sare ee Geb oo la furay

Image caption Furitaanka Dugsiga sare ee Geb oo laga furay deegaanka Geb 08.08.2010

Deegaanka lagu magacaabo Geb oo ka tirsan gobolka Awdal ee Somaliland waxaa toddobaadkan laga furay school dugsi sare ah oo dhismahiisa iska kaashadeen dadka deegaankaas iyo qurbajoog gobolka u dhashay.

dugsigan oo ku yaalla inta u dhexaysa Lughaya, Boorame iyo Gabiley, waxaa ugu dambaysta wax ku baran doona arday 400 ka badan. waxaana furitaankiisa ka qayb galay madax sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Image caption Furitaanka Dugsiga sare ee Geb oo laga furay deegaanka Geb 08.08.2010

Cabdiraxmaan Beyle waa guddoomiyaha guddiga dhismaha ee hirgeliyay dugsiga Geb, Kati Isse ayuu uga warramay sidii ay ku suurta gashay hawsha dhismaha dugsiga.