Lix Soomaali ah oo lagu waayay burcad baddeednimo

Burcad badeed
Image caption Burcad Badeed Soomaali ah oo maxkammad la saarayo

Xaakin maxakamad u taaladda dalka Mareykanka ayaa diiday dacwada burcadbadeednimo oo ka dhan aheyd lix nin oo dhashay dalka Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay weerareen markab kuwa dagaalka ah ee uu Mareyanku leeyahay oo ku sugnaa xeebaha Somaaliya.

Xaakin Raymond Jackson ayaa xukumay in danbiyada ragga loo heysto aysan ku jiray dhac iyo in ay xoog ku fuuleen oo ay la wareegeen markab dagaalka ee Mareykanku leeyahay, sidaa darteedna uusan danbiga la soo oogay u dhigmin burcadbadeednimo.

Eedeysanayaashan oo lagu maxkamadeenayay gobolka Virginia, ayaa wali waxaa lagu qaadayaa danbiyo kale oo ay ka mid yihiin gacan ka hadal, mu'aamarad iyo weerar.

Lixdan nin ee Somaalida ah ayaa beeneeyay in ay galeen danbiyada lagu soo oogay.

Dacwada ayaa la filayaa in ay dib u furanto bisha October ee soo socota.