32 qof oo loo haysto qaraxii Uganda

Qaar ka mid ah dadka loo haysto qaraxa Uganda
Image caption Qaar ka mid ah dadka loo haysto qaraxa Uganda

Xeer ilaaliyaha guud ee Uganda ayaa sheegay in 32 qof maxkamad la hor keeni doono, iyagoo lagu eedaynayo weerarkii bomb ee dhowaan lagu qaaday magaalo madaxda Uganda ee Kampala, oo ay ku dhinteen toddobaatan iyo lix qof oo fiirsanaaya koobkii adduunka ee socday bishii July.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in dadka la dacwaynayo loo haysto dil iyo falal argagixisonimo.

Dadka loo haysto danbiyayda waxay u dhasheen Soomaaliya, Uganda, Kenya iyo Pakistan.