Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM

Augustine Mahiga
Image caption Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya waxaad mooda in waqtigu ka sii dhacaya oo xiligii loogu tala galay in ay xafiiska hayso waxaa uga haray 12 bilood ama hal sano, waa sidii u dhigayey heshiiskii Jibouti.

Waxaase socda dadaalo lagu xoojinayo nabadda iyo sidii loo xoojin lahaa wax qabadka xukuumadda oo jiritaankeeda ay wax weyn ka tareen ciidamada nabad ilaalinta AU ee Muqdisho jooga.

Waxaa ciidamadaas caawiya beesha calamka oo wixii kharaj ah u sii marisa Qaramada Midoobay

Xukuumadda lafteeda, waxaa lagu cadaadiyey in ay kooxaha ka soo hojeeda la bilowdo waan waan si ay suuragal u noqoto in dalku xasilo.

Todobaadkan waxaa Muqdisho ku noqday Madaxweyne Sheekh Shariif, oo Sudan booqday. Intii uu joogay Sudan ayaa isaga iyo madaxweyne Cumar Xassan al-Bashiir la sheegay in ay ka wada hadleen qorshe nabadeed oo dowladda ku meelgaarka ah iyo mucaaradka iyo sidoo kale warar ku saabsan in madaxwayne Sheekh Shariif uu dalal kalena u tegay isla qorshaha xasilinta Soomaaliya.

Haddaba, qorshaha waan waanta in lagu dayo mucaraadka iyo qodobo kale, ayaa wariyaha BBCda ee Nairobi Noel Mwakugu wuxuu ka wareystay ergeyga gaarka ah ee UN ee somalia Augustine Mahiga oo uu marka hore waydiiyey in qorshha somalia ka mid tahay wada hadalo in lala furo al-shabab?

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wuxuu sheegay in arrinta ku wadajiridda dowladda aad ayay muhiim ugu ahayd shirkii Djibouti. Wuxuu xusay in dadaalka dib u heshiisiinta uu dowladda ku soo daray kooxda Ahlu-Sunnah. Wuxuu sheegay in ay jiraan kooxo xagjir ah oo aan doonayn heshiis, sida kooxda al-Shabaab oo aan doonayn dadaal noocaas ah.

Wuxuu intaas ku daray in qorshaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo ilaalinta amniga loo baahan yahay in ay wada socdaan.

Wuxuu xusay oo kale in dhismaha ciidanka Soomaaliya aysan howl fudud ahayn.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan