Duqayn iyo Qaraxyo Xalay Ka Dhacay Muqdishu

somali fighting
Image caption Dhaawaca qaraxyada Muqdishu

Duqayn culus iyo qaraxyo dad ku dhinteen ayaa xalay ka dhacay degaanno ka tirsan magaalaa Muqdishu. Ugu yaraan hal qof oo la rumaysan ahay in uu miino dhigayey buundada Ansaloti iyo laba qof oo kale ayaa ku dhintay xaafadda Xamar Jajab.

Ilaa hadda lama oga ujeedada loo duqaynayey bartilmaameedyadaas, iyo khasaraha ay geysteen, laakiin waxa aragagax weyni ku dhacay xalay dadweynaihi magaalada ee deganaa xaafadaaasi.

Duqaymahani iyo dagaallada xalay waa kuwii labaad ee ka dhaca magaalada Muqdishu gaar ahaanna xilligan lagu jiro bishii soonka ee Ramadaan.