Dowladda: 11 Shabaab ah ayaa dhintay

shabaab
Image caption Qaar ka mid ah Xarakada Shabaab

Sida ay sheegtay dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, ugu yaraan 11 Shabaab ah ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraal ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in qaraxyada oo dhacay 24 saac ee la soo dhaafay ay dheceen markii ay qarxeen baabuur lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa iyo mid kale oo ku qarxay nin da'yar oo la sheegay in bam uu gelinayay buundada Ansaloti.

Booliiska dowladda ayaa lagu sheegay qoraalka inay xireen laba qof oo looga shakiyay inay ilaalinayeen qofka dhintay.

Dowladda ayaa ku eedeeysay Shabaab inay ka shaqeyneyso dhimashada dadka Soomaaliyeed iyo burburkooda.